Maraykanka iyo Israel oo ka fekeraya dhismaha Maamul-Gobaleedka Qasa iyo Ururka Xamaas oo…

Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa New York ayaa qoray inay Maraykanka iyo Israel ka wada xaajoonayaan xulashada lagu yegleeli karo dowlad KMG oo laga dhiso Marinka Qasa, iyadoo taageero looga helayo QM iyo dalalka Carbeed ee saamaynta ku leh.

Wargeyska waxa uu tilmaamay inuu heer bilow ah marayo wada-xaajoodka arrintaasi, lagana yaabo in qorshahaasi la soo bandhigo marka ay Israel ku guuleysto dagaalka dhulka ee ay la geli doonaan Ururka XAMAAS ee gacanta ku haya guud ahaan Marinka Qasa.

Saraakiisha Israel waxay ku celceliyaan inaysan oggolaan doonin inuu xukunka Xamaas ka sii shaqeeyo Qasa, kadib, Weerarkii Xamaas bishan October 7-dii ku qaadeen gudaha Israel oo lagu dilay 1,400 Israa’iiliyiin ah, laguna qafaashay in ka badab 200 oo kale.

Dhinaca kale, duullaan kasta oo dhulka oo ay milliteriga Israel ku qaadaan magaalladda Qasa ma noqon doonto mid la mahdiyo sida uu sheegay agaasmihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Maraykanka, David Petraeus.

Waxa uu ka digay in dagaal kasta oo dhulka oo ciiddanka Israel ku qaadaan magaalladda Qasa uu la mid noqon doono sidii masiibadii milliteriga Maraykanka ku qabsatay dagaalkii ka dhacay caasimadda dalka Somalia ee Muqdisho sanadkii 1993-kii oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -