Akhriso: 30-Dhibaato oo dadka Soomaaliyeed ku qabaan dalka Kenya

Ma yara Dhibaatooyinka ay mar kasta u geysaneyso Ummada Soomaaluyeed Dowladda Kenya waxaana soo ururiyey 30 Dhibaato oo umaddeena loo geysto.

Bal aan soo Koobo Dhibaatooyinkaas

1- Baddeenna oo ay ku soo xadgudubtey.

2- Dhulkeenii oo ay Boobeyso.

3- Darbi ay ka dhiseyso Xuduud Beenaadka taasoo 400 Km u soo Gashey Gudaha

4-Burburintii Shirkada isgaarsiinta Hormuud

5- Diyaaradaheeda oo maalin waliba ay laayaan Shacab aan waxba galabsan.

6- Kufsiga Ciidamada Kenya Haweenkeena.

7- Xariga Joogtada ah ee Dadkeenna.

8- Lacag Baad oo Ciidamada ka qaataan Dadkeena Taasoo Madax Furasho ah.

9-Xawaaladaha oo la iska xiro Xiro.

10- Masaafurin lagu hayo Dadka ku Nool Dalkeeda.

11- Ihaaneysiga Siyaasiyiinteena iyo Madaxdeena

12- Dal ku gal VISA oo ay nagu adkeysey.

13- Deegaanka oo ay Xaalufin ku hayaan gaar ahaan Dhoofinta Dhuxusha.

14-Qaxootiga oo ay Hanjabaad joogto ku hayaan.

15- Mararka qaar oo la raafo dadkeenna lagana Buuxiyo Xabsiyadda

16- Ceelasha Biyaha oo ay Aasaan oo mararka qaar ku Shubaan Sun

17- Ciidamadooda ku sugan Dalka oo Dadka Xoolo Dhaqatada Xoolaha ka Qasha

18- Dad badan oo la waayey meel ay Jaan iyo Cirib Dhigeen

19- Ciidamadooda oo Dalka Amar la’aan iska soo galey

20- Dadka lagu Qash Qashaado Garoonka Jooma Kenyatta.

21-Burcad Joogto ah oo Dhaca Dukaamada Soomaalida.

22- Qaadka oo ay noo soo Dhoofiso kaasoo dib noo dhigey.

23- Taabuugga oo laga keeno Kenya kaasoo isna Dhibaato ku ah Bulshadeena.

24- Mucaaradka Dowlada oo ay ku Shiriso Dalkeeda

25-Dowlada Kenya ma ogola in Dalka Soomaaliya ay ka Dhalato Dowlad Xoog leh sida uu hore u sheegey Madaxweynihii Hore Kenya Danial arab Moi

26-Dadka Waqooyi Bari ee Soomalida oo ka dambeeya Gobolada Kale sida Waxbarashada, Shaqada,Caafimaadka iyo Adeegyada kale Bulshada.

27- Waxay is Hor istaagtey in uu Xiriir Ganacsi uu Dhex maro Soomalida iyo Waqooyi Bari Tusaale Shidaalka iyo Alaabaha kale ee ka soo Dege Dekeda Mombasa waxaa Raqiisan kan Muqdishi ka soo Dega

28- Dadka Sunada ka Muuqato oo la iska Dilo lana Xir xiro

29- Qabiilooyinka Soomaalida ee ku Nool Kenya oo la isku diro

30-Badeena oo si Sharcidaro uga Xado Kaluunka

Intaas oo Dhibaato iyo ka sii badan waxaa Ummada u sii Dheer Leeta Kamandha, marka waxaa Buuxsamey Weelkii Dhibaato Dowlada Kenya ay ku haysey Ummads Soomaaliyeed marka Sabab looga Aamuso ma garanayo marka maxaa ku Dari lahayd oo Dhibaato ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Tel 00252615532494

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -