Allbanaadir.com
NEWS

Wiil yar oo Kufsi iyo dil argagax leh loogu geestay magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kaddib markii wiil dhallinyaro ah oo magaaladaasi kunoolaa loo geestay kufsi kaddibna ceejo lagu dilay.

Wiilkan oo lagu magacaabayay Cabdinaasir Yuusuf Jihaad ayaa la waayay habeenkii Jimcaha xilli uu kasoo baxay guriga walaashiis kuna sii jeeda guriga eedadiis, waxaana xilligaasi waxii ka dambeeyay la waayay war iyo wacaalka wiilkaasi.

Qoyska wiilka oo sameeyay baadigoob ayaa maalintii shalay oo Sabti aheyd helay meydka wiilkan oo la dhax galiyay jawaanka dhuxusha, waxaana jirka wiilka gaar ahaan dhunta ka muuqday ceejo lagu dilay.

Isbitaalka magaalada Gaalkacyo oo la geeyay meydka wiilkan ayaa baaritaanno ay sameeyeen dhaqaatiirta ku xaqiijiyeen in wiilka la kufsaday kahor inta aan la dilin, waxa ayna sheegeen in wiilka sidoo kale ceejo lagu dilay.

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanka kiiskan dilka iyo kufsiga ah, waxa ayna xuseen in aan wali la aqoonsan dambiilayaasha ayna kudaba jiraan sidii ay u aqoonsan lahaayeen.

Magaalada Gaalkacyo ayaa horey waxaa uga dhacay dilalka argaga leh iyo kufsi loo geesto gabadho ay carruur ku jiraan, waxa ayna dhacdooyinkan noqdeen kuwa marar kala duwan soo noq noqday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaya Qarax lagu dilay askar badan oo Kenyan ah (Daawo Sawirada )

Cabdi Cade

Daawo:-Tartamaha xisbiga Dimuqraadiga oo Amaankiisa aad loo adkeeyay & Qaxooti badan oo ku soo qaxay Soomaaliya !!

admin

Dowladda Soomaaliya oo bilaabeysa bixinta abaal marin cusub oo Sanadle ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---