Mid ka mid ah Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Muqdisho oo xabsiga loo taxaabay

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay in loo taxaabay xabsiga ka dib amar ka soo baxay taliska sare ee ciidanka booliska Somalia.

Taliyaha la xiray ayey wararku sheegayaan in loo heysto weerar ka dhacay 1-dii bishan degaanka Garasbaaley ka dib markii ciidan uu watay ay rasaas ku fureen goob dhismo waddo jaay ah laga waday, waxaana ku dhintay hal askari, ku dhaawacmay askari kale.

Taliyaha qeybta galbeed ahna afhayeenka booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble iyo ku-xigeenkiisa ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, iyagoo baaritaan ka dib ugu dambeyn amray xariga Taliyaha Ciidamada Booliska Saldhigga degmada Dayniile.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay iney socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku saabsan falka loo heysto taliyaha degmada Dayniile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -