Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Burcad xabsi kaga baxsaday dayuurad Helicobter ah oo la soo qabtay

Booliska dalka Faransiiska ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay Rédoine Faïd, oo ah burcad isagoo diyaarad Helikobter ah adeegsanaya Jeel ka baxsaday bishii Luulyo ee sanadkan.

Ninkan oo ahaa qofkii loogu doon-doonista badnaa ee dalkaas ayaa lagu qabtay waqooyiga magaalada Paris, Waxaana lagu soo warramay in lala soo xiray walaalkiis iyo labo nin oo kale.

Faïd, oo 46 jir ah ayaa aad u jecel daawashada filimada ku saabsan burcadnimada wuxuuna sheegaa inuu ka bartay xirfado badan oo la xiriira sida loo fuliyo weerarrada.

Markii ugu horreysay waxaa la xiray sannadkii 1998-kii ka dib markii uu sameeyay fal burcadnimo ah oo hubeysan.

Falkii uu 1-dii bishii Luulyo xabsiga uga baxday wuxuu ahaa kii labaad oo uu ku guulaysto, wuxuuna ahaa kii ugu cajiibsanaa ee abid ka dhaca dalka Faransiiska.

Saddex nin oo aad u hubeysan ayaa xoog ku gashay xabsiga uu ku xirnaa oo ku yaalla koonfurta-bari ee magaalada Paris, waxayna isla markiiba saareen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay soo afduubteen iyada iyo duuliyaheedaba.

Dhacdadaas ayaa noqotay mid si weyn caalamka looga hadal hayay maadaama inta badan dadku ay yaqaanneen in filimada oo kaliya lagu arko qof diyaarad uga baxsanaya xabsi ay dowlad leedahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Yuusuf Dabageed oo isaga oo Tuute xiran saakay tagay Degmada Maxaas (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhismaha Wado 55-km ah oo isku xireysa Saddex magaalo oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo weerar khasaaro geestay ka fulisay gudaha Kenya

Cabdi Cade