War Wanaagsan oo ka soo kordhay dagaalada culus ee ka socday dalka Liibiya

Xubnaha Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa soo dhoweeyay xabbad-joojin lagaga dhawaaqay Libya, sida ay Sabtida maanta ah daabacday wakaaladda wararka u faafisa Imaaraatka Carabta.

Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf oo ah Xoghayaha Guud ee GCC, ayaa ugu yeeray dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan tallaabadan wax ku ool ah inay si deg deg ah u yeeshaan wadahadallo siyaasadeed, iyo inay ku shaqeeyaan dhexdhexaadinta Qaramada Midoobay si xal joogto ah oo dhameystiran looga gaaro soo afjarista dagaalka iyo iskahorimaadka ka socda Libya

Dowlada Libya ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli ayaa Jimcihii ku dhawaaqday xabbad joojin ka hirgasha dalkan qaniga ku ah saliidda, iyadoo ku baaqday in magaalada istraatiijiga ah ee Sirte ay noqoto goob ka caaggan militariga, waxaana baaqan soo dhoweeyey hogaamiyaha baarlamaanka bariga ee ay ishayaan dowladda Libya kaasi oo sidoo kale codsaday in la joojiyo colaadda.

Arrintan ayaa ah tallaabo hore loo qaaday kadib cadaadis caalami ah xilli ay jirto cabsi sii kordhaysa oo laga qabo dagaal cusub oo ka qarxo magaalada Sirte. Aagga xarumaha waaweyn ee dhoofinta saliidda ee Libya ayaa waxaa ilaa bishii January gacanta ku hayay ciidamo daacad u ah taliyaha millatariga bariga Khalifa Hifter.

Libya ayaa ku jirtay rabshadaha illaa 2011-kii markaasi oo kacdoon ay taageereen xulufada NATO xukunka looga tuuray kaligii taliyihii mudada dheer xukunka hayey Moammar Gadhafi, kaasi oo markii dambena la dilay. Wadanka ayaa u kala jabay laba maamul oo iska soo hor-jeeda oo kala fadhiya bariga iyo galbeedka, mid walbana waxaa taageera kooxo hubeysan iyo dowlado shisheeye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -