Allbanaadir.com
NEWS

Kiiska Dacwad dil ah oo loo heesto Maxamed Cabdullaahi Siciid oo lasoo gabagabeeyay

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta Jubbaland ayaa soo gabagabaysay dhagaysiga kiis dacwad dil ah oo loo haysto eedaysane Maxamed Cabdullaahi Siciid (Maxamed Khadar).

Ninkan ayaana  ku eedeysan dil uu u geestay allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Deeq Nuune Saalax oo lagu dilay xaafadda Calanleey ee Magaalada Kismaayo, waxaana maalmihii lasoo dhaafay maxkamadda ka socotay dhageysiga kiiska dacwada ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamada Ciidamada Jubbaland G/ dhaxe Nuuradiin Maxamed Khaliif oo gacanta ku hayay baarista kiiskan ayaa Maxkamadda hor keenay caddeymo muujinaya goobta dilka uu ka dhacay , sidoo kale cuskaday qiraal eedaysanaha laga hayay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada maamulka Jubbaland Gaashaanle sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim oo fadhiga soo xiray, ayaa sheegay in maxkamaddu soo saari doonto go’aanka ugu dambeeya kiiskan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo maanta si weyn loo soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xiisad dagaal oo ka taagan Buqdharkeyn iyo gurmadyo ciidan oo halkaasi gaaray

Cabdi Cade

Imran Khan oo lagu soo eedeeyay dambi culus uu xabsi ku muteysan karo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---