Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay qaraxii saakay ka dhacay Ceelasha in loo soo waday Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa saakay lagu weeraray saldhig ciidanka xasilinta caasimadda iyo duleedkeeda ku lahaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Sadiiq Doodishie oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa saakay Al Shabaab u adeegsadeen gaari ay kasoo dhigeen mid aan xabadaha karin, si ay ula galaan bartilmaameedka ay rabeen.

Waxa uu sheegay afhayeenka in Al Shabaab qaraxan markii hore damacsanaayeen in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho, balse tilmaamay markii ay usuurto geli waysay in ay la beegsadeen xarun ciidanka ammaanka ku leeyihiin Ceelasha.

Afhayeenka ayaana sheegay in qaraxa ku dhinteen lix qof oo afar kamid ah ay katirsanaayeen ciidamada ammaanka, waxa uu sidoo kale xusay in qaraxa ku dhaawacmeen sagaal qof oo kale oo shan kamid ah ciidamada katirsanaayeen.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan ismiidaaminta ah ee saakay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxaasi ku dileen askar tiro badan oo katirsan ciidanka dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Difaaca Puntland oo diyaar garow dagaal galay iyo taliyahooda oo…

Cabdi Cade

Ciidamo soo gaaray Muqdisho iyo goobaha ay ka howlgalayaan oo la shaaciyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaaliya Xiligan Diyaar Ma u Tahay Bixitaanta Ciidamada Mareykanka ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---