Imran Khan oo lagu soo eedeeyay dambi culus uu xabsi ku muteysan karo

Maxkamad ku taal Pakistan ayaa go’aansatay, inay Ra’isul Wasaarihii hore Imran Khan kusoo oogto kiis ‘ixtiraam darro’ ah oo u hanjabay garsoore dumar ah, waxaana hoggaamiyaha mucaaradka oo 70 jir ah haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeyay uu ku muteysan karaa xabsi lix bilood ah.

Waxay sidoo kale keeni doontaa in laga saaro siyaasadda Pakistan muddo shan sano ah marka loo eego shuruucda doorashada Pakistan.

Kadib dhageysiga dacwada, gudi ka kooban shan garsoore oo ka tirsan maxkamada sare ee caasimada Islamabad ayaa go’aamiyay in eedeymaha loo haysto Khan lasoo saari doono 22-ka September.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa abaabulayay isu soo baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda si uu ugu cadaadiyo doorasho waqtigeeda laga soo hormariyo si uu dib ugu soo laabto siyaasadda tan iyo markii xilka laga tuuray bishii Abriil markii baarlamaanku codka kalsoonida uu u qaaday.

Eedeymaha quursiga ah ayaa ka dhashay khudbad uu Khan u jeediyay bishii hore tobanaan kun oo taageerayaasha xisbigiisa ah oo ku sugnaa caasimadda.

Waxa uu u sheegay Khan in xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) uu dacwad ku soo oogi doono haweeney xaakim ah iyo saraakiil sare oo ka tirsan booliiska Islamabad doorkii ay ku lahaayeen jirdilka xabsiga lagu geystay mid ka mid ah kaaliyayaashiisa ugu dhow. “Kaama tudhi doono…waanu ku dacwaynaynaa,” Khan ayaa wacad ku maray.

Booliska magaalada ayaa markii dambe ku soo oogay sharciga la dagaalanka argagixisada ee Pakistan kadib markii uu u hanjabay saraakiishooda, halka maxkamada sare ay u yeertay si uu ugu sharaxo hadaladiisa muranka dhaliyay ee ka dhanka ah xaakimka.

Eedeymaha quursiga ah ee loo heysto Khan ayaa ka dhashay khudbad uu u jeediyay bishii hore tobanaan kun oo taageerayaasha xisbigiisa ah oo ku sugnaa caasimadda.

Waxa uu u sheegay Khan in xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) uu dacwad ku soo oogi doono haweeney xaakim ah iyo saraakiil sare oo ka tirsan booliiska Islamabad doorkii ay ku lahaayeen jirdilka mid ka mid ah kaaliyayaashiisa ugu dhow. “Idin kama hari doonno, waan idin dacweyneyna,” ayuu Khan wacad ku maray.

Booliska magaalada ayaa markii dambe kusoo oogay sharciga la dagaalanka argagixisada ee Pakistan kadib markii uu u hanjabay saraakiishooda, halka maxkamada sare ay u yeertay si uu ugu sharraxo hadaladiisa muranka dhaliyay ee ka dhanka ah xaakimka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -