Wararka aan heleyno saakay oo Sabti ah, ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo aad u xoogan laga dareemayo jiidda Buqdharkayn ee galbeedka gobolka Sool, halkaas oo shalay dagaal culus ku dhax maray ciidamada SSC-khaatumo iyo kuwa Somaliland.
Aagga lagu dagaallamay waxaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray ciidamo badan oo gurmad ah oo labada dhinac ku kala socday, waxaana saakay aagaasi laga dareemayaa cabsi dagaal oo aad u xooggan.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalkii shalay Buqdharkayn ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 50 ruux oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 80 qof inkastoo SSC-khaatumo iyo Somaliland midna aysan faahfaahin ka bixin khasaaraha dagaalkaasi.
Ciidamada Khaatumo , ayaa warbaahinta usoo bandhigay maxaabiis badan iyo hub ay sheegeen in ay kusoo qabteen dagaalkii shalay dhacay, waxa ay sidoo kale sheegeen in dagaalka ku dileen saraakiil iyo askar badan oo dhinaca Somaliland kasoo jeeda.
Labada maamulka ee SSC-khaatumo iyo Somaliland , ayaa midbo kan kale ku eedeeyay masuuliyadda dagaalka dhacay, waxa ay sidoo kale guulo ka kala sheegteen dagaalkii shalay ee dhiigga badan ku daatay.