Gobol ka mid ah dalka Canada oo laga mamnuucay Xijaabka Islaamka

Gobolka Quebec ee dalka Canada oo ah gobolka dadka ugu badan ee afka Faransiiska ku hadlo ee dalkaasi ay ku nool yihiin ayaa mamnuucay xijaabka ay qaataan haweenka muslimiinta ah.

talaabadan ayaa timid ka dib xisbi cusub oo la doortay uu xilka kala wareegay kan Liberalka ee gobolkaasi maamulayey.

Xisbigan oo loo soo gaabiyo CAQ, (Coalitio Averi Quebec) ayaa waxyaabaha uu ololaha doorashada ku galay waxaa ka mid ahaa xagjirnimo ka dhan ah soo galootiga.

Qodobada ugu waaweyn ee soo galootiga ka dhanka ah ayaa waxa ka mid ah inay dhimayaan tirada ajaanibta ee ku soo biiraysa bulshada gobolkaas oo hada dhan 50,000 oo qof sanadkii. Waxay sheegeen inay ka dhigayaan 10,000 oo qof sanadkiiba. Waxa kale oo ay sheegeen in shacabka gobolka iyo shaqaalaha dowlada ay ka mamnuucayaan in ay ka muuqato calaamad diimeed.

Warbaahinta Canada ayaa u arka in talaabadan dambe Muslimiinta loola dan leeyahay, ayna dhalin karto in muslimiin badan gaar ahaan haweenka xirta xijaabka ay ka tagaan gobolkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -