Madaxweyne Qoor Qoor oo laga yaabo in uu ka laabto Guddiga Doorashada uu Magacaabay(Sawiro)

Musharaxiinta shirka uga socday Muqdisho gaar ahaan xubnaha ka soo jeeda deegaanada Galmudug ayaa markii uu soo dhammaaday wajiga labaad ee shirka uga socday Muqdisho waxey si toos ah u aadeen si shir ay habeenkii labaad Muqdisho kula yeelanayaan madaxweynaha Galmudug.

Xubnaha la shiraya, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaa hor kacaya Xasan Cali Kheyre oo markii horeba lahaa qorsha ah in cadaadis la saaro Madaxweynaha Galmudug.

Ujeedka kulanka ayaa ah sidii Madaxweynaha Galmudug cadaadis loogu saari lahaa in uu kala diro guddiga doorashada ee maamulkiisa looga dhawaaqay balse soo xulistooda ay laheyd Villa Soomaaliya.

Waxey u badantahay intuu caawa kulanku ka socda hoyga Qoor Qoor in la kala diro guddiga NISA u badan ee Galmudug, arrinkaasi oo hadii sida la filayo haduu u dhaco waxaa si cad u kala furanaayo kooxda Villa Soomaaliya, Fahad Yaasiin iyo Qoor Qoor.

Warar dheeraad ah oo aan ka helnay ilo xog ogaal ah oo ku dhaw Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in markii la dhisayay guddigaasi uu Qoor Qoor aragti uu dhiibtay ku sheegay in aysan soconeyn xubnaha guddiga ee Villa Soomaaliya ka abaabushay Galmudug, Balse Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay u jeediyeen in lagu dhawaaqo hadii musharaxiinta iyo bulshada Soomaaliyeed ay ka biyo diidaanna Villa Soomaaliya ay go’aan kale qaadan doonto.

Dhinaca kale maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in Madaxweyneyaashooda ay kala diraan guddiyada ay dhisteen taliayaha NISA iyo maamulka Villa Soomaaliya, si la mid ah Maamulka cusub ee Hirshabeelle iyo kan Koofur Galbeed ayaa la filayaa in ay qaadaan talaabo la mid ah dhigooda.

- Advertisement -