Rag kufsi iyo dil isugu daray gabar 16 jir aheyd oo gacanta lagu soo dhigay

Booliska dalka Jabuuti ayaa gacanta ku soo dhigay raga lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen kufsi iyo dil loogu gaystay dalkaasi gabar yar oo 16 jir ah oo lagu magacaabo Mahado Daahir Shire.

Waxaana la sheegay in gabadha maydkeeda laga helay gobolka Cali Sabiix ee waddanka Jabuuti, 25-tii bishii hore.

Eedeeysanayaasha ayaa kasoo hor muuqday maxkamad ku taalla Jabuuti

Xeer ilaaliyaha Jabuuti Ciid Axmed Ibraahim ayaa sheegay in baaritanno dheer kaddib dhammaan dadka lagu tuhunsan yahay dilka gabadha lasoo qabtay.

Wuxuu sheegay in mid kamid ah dadka la qabtay uu booliska u sheegay inay iyagu kufsi , jirddil ay u gaysteen gabadha kaddibna ay u geeriyootay dhibaatadaasi isla markaasna raggan ay ku xireen xabsiga dhexe, waxaana Dhacdadan ay fajac iyo amakaag ku reebtay shacabka Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -