Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo mar kale duqeysay dhismayaal ku dhegan Isbitaal & Iskuul ku yaalla Gazza

Israa’iil oo weki sii wada duqeymaha Gaza ayaa weerartay dhisme ku dheggan iskuul ay boqolaal qof gabbaad ka dhigteen kaasoo ay gacanta ku heyso QM

Weerarkan ayaa ka dhacday degaanka Khan Younis oo ku yaal dhul beereed ku dhagan iskuul ay maamusho heyadda UNRWA oo lagu magacaabo Ahmed Abdilaziz.

Dugsiyadii ay gacanta ku haysay UNRWA ayaa laga dhigay hoy dadka gudaha ku barakacay ay ka gabaadsadaan duqeymaha aan loo meel dayin ee Israel.

Gaadiidka Ambalaasta ayaa wali daad gureynaya dadka uu firirka ku dhacay oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Sidoo kale duqaymaha Israa’iil ayaa ka dhacaya agagaarka Isbitaalka al-Quds ee xaafadda Tal al-Hawa ee magaalada Gaza, sida ay sheegtay hay’adda bisha cas ee Falastiin.

In ka badan 8,000 oo falastiiniyiin ah ayaa gabaad ka dhiganaya Isbitaalka, kaasoo ay horey u bartilmaansadeen oo ay burburiyeen ciidamada Israel sanadkii 2009, sida ay kooxdu ku sheegtay baraha bulshada.

Ficiladan ayaa dhacay 24 saac ka dib markii ciidamada Yuhuuda ay duqeyn u geysteen Isbitaalka Al ahli arab oo ku yaalla Gaza hallaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 500 oo qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale oo dhamaantood u badan caruur iyo haween

Related posts

Ra’isul Wasaare Johnson oo ka naxay Muhaajiriin badan oo dhimatay Xili UK soo galayeen

Cabdi Cade

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay la taliye cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Haan laga shakisan yahay waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---