Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay abwaan kale oo taageeray Al-shabaab

Ciidanka Nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa caawa gacanta ku dhigay Maxamuud Maxamed Ibraahim (Abwaan Jeesto), suda ay sheegayaan Warar lagu kalsoon yahay.

Abwaan Jeesto ayaa kaasoo Baraha Bulshada ku faafiyay qoraallo uu ku taageerayo al-shabaab iyo fikirka xagjirnimada, kuna dhaleeceynayo dowladnimada Soomaaliyeed.

Ninkan oo ka soo jeeda magaalada Burco ayaa ka mid ahaa dhallinyarada magaalada Muqdisho ku joogtay summadda suugaanta.

Waxaa uu noqonayaa qofkii saddexaad oo bannaanka la yimaada fikirka xagjirnimada argagaxisada, waxaana horay loo xiray Taakeeye oo laga soo qabtay dalka Kenya.

Dhawaan ayay ahayd markii Nageeye Cali Khaliif oo suugaanyahan iyo Macallin jaamacadeed ku joogay Muqdisho la shaaciyay inuu aaday Al-shabaab oo uu go’aansaday inuu ku biiro, kaddib markii uu ku qancay aragtidooda sida uu ku daabacay qoraalo uu sameeyey oo xili dambe lagu baraarugay.

Related posts

Qarax ka dhacay Maqaayad kutaalla Balcad iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Hirshabelle oo ansixisay magacaabista lix degmo oo cusub (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---