Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shir loo hadlayay Tiirka caddaaladda & garsoorka madaxa bannaan oo ka dhacay Muqdisho (Sawiro)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka caddaaladda iyo garsoorka madaxa bannaan oo looga hadlay qaabkii caddaalad iyo garsoor loo gaarsiin lahaa goobaha laga xorreeyey argagixisada.

Kulanka ayaa warbixinno looga dheggaystay hay’adaha ka tirsan tiirka caddaaladda iyo garsoorka. Wasaaradda caddaaladda ayaa soo bandhigtay qorshaha adeeg garsoor oo deg-deg ah loo gaarsiin lahaa deegaanadii dhawaan laga xorreeyey argagixisada Al shabaab.

Sido kale xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa soo bandhigay hannaankii ay uga hawl gali lahaayeen deegaanada laga xorreeyey cadowga, Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqal Insaanka ayaa dhinaceeda soo gudbisay warbixin ku saabsan guddiga xuquuqal insaanka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Mudane Saalax, ayaa guddi hoosaadka ku adkeeyey fulinta qorshaha Xukuumadda ee deegaannada cadowga laga saaray sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimmka u ah dadka deegaanka isla markaana looga hirgalin lahaa maamul iyo kala danbayn.

Related posts

Xiisada Belad-weyne oo weji cusub yeelatay & Muuse Biixi oo seefta galka kala baxay

Caydiid Ali

Xassan Sheekh oo booqday Warshadaha soo saara qalabka ciidamada Uganda (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo sheegay iney Muqdisho ku qabteen nin qaraxyo diyaarinayey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---