Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biden oo ka fekeraya safar uu ku tago Israel iyo Ra’isul Wasaare Olof Scholz oo Israel tagaya

Madaxweyne Joe Biden ayaa la sheegay inuu ka baaraan-dagayo inuu maalmaha soo socda Socdaal ku tago Israel, si uu Taageero ugu muujiyo Dagaalka Israel kula jirto XAMAAS.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay inaan weli la gebagebaynin Qorshaha Safarka Madaxweyne Biden ku tagayo Israel.

Maalmihii la soo dhaafay, Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo kan Difaaca ee Maraykanka ayaa booqday Israel, xilli la gaarsiiyey Shixnad Milliteri.

Dhanka kale, RW dalka Jarmalka, Olof Scholz ayaa lagu wadaa inuu Israel booqasho ku tago berrito oo Talaado ah.

Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jarmalka, Annalena Baerbock waxay isbuucii hore booqatay Israel, iyadoo Taageero u muujisay, kadib, weerarkii Xarakada XAMAAS ku qaadeen Israel bishan October 7-dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo War ka soo saaray duqeyn uu saaka la beegsaday Xoogaga Al-Shabaab

Caydiid Ali

Wararkii Ugu dambeeyay Qaraxii xooganaa ee ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Sagootin ah la qaatay James Swan (sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---