Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Meydadka dad dhintay oo laga helay Kaniisad kutaala dalka Indonesia

Dalka Indonesia waxaa ku habsatay musiibo ay noloshooda ku waayeen dad aad u badan ,waxaana wali socda gurmad loo fidinayo dad badan oo ku go’doonsan goobo ay saameesay dhul gariir xoogan oo dalkaasi ku dhuftay.

Inta la xaqiijiyay dad gaaraya 844-qof ayaa ku dhintay dhul gariirka ku dhuftay Jimcihii dalka Indonesia, waxaana dhul gariirkan la socda duufaanta xoogan ee loogu magac daray Tsunami oo deegaano badan dhoobo kusoo rogtay.

Meydadka 34 arday iyo dad kale ayaa laga helay kaniisad ay ku hoos jireen oo bur burtay kadib markii dhoobo kusoo duntay, waxaana wali bur burka kaniisada laga hoos raadinayaa dad kale oo la aaminsan yahay in a ku hoos jiraan.

Dowlada Indonesia ayaa wada dadaalo loogu gurmanayo goobaha ay saameesay dhul gariirka iyo duufaanta, waxaana goobaha qaar adag in ay gaaraan kooxaha gurmadka dega dega.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saameynta uu Somalia ku yeelan karo cabsida laga qabo inuu xumaado dhaqaalaha dunida?

Caydiid Ali

RW Xamse oo daah-furay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Sare

Caydiid Ali

Shacab 50 sano ku soo jiray dagaal sokeeye oo markii ugu horeysay u dareeray doorasho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---