Faah faahino kasoo baxaya Afar qof oo Itoobiyaan ah oo lagu dilay Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan oon heebtooda la garan magaaladaasi ku dileen afar ruux oo kasoo jeeda dalka Itoobiya.

Dabley hubeesan ayaa la sheegay in ay rasaas xoogan ku fureen goob ay ku sugnaayeen dadkan Itoobiyaanka ah oo kutaala xaafada Santoos oo ah halka ay inta badan degan yihiin dadka Itoobiyaanka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Qowmiyada Oromada.

Weerarkan xalay dhacay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen afar ruux oo Itoobiyaan ah tiro kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta weerarku ka dhacay ka baxsaday dalbleydii dilkaasi ka dambeesay.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa saakay howlgalo balaaran kawada magaalada Boosaaso, waxa ayna ciidamada baadi goobayaan dableydii ka dambeesay weerarkii lagu dilay dadka Itoobiyaanka ah.

Itoobiyaanka kunool magaalada Boosaaso ayaa lagu soo waramayaa in ay lasoo daristay cabsi hor leh, lamana oga wali waxa uu salka ku hayo weerarkan iyo waliba kooxdii ka dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -