Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Daawo Sawirada: Shiinees Tababar sharci daro ah bixinayay oo xabsi la dhigay

Ciidamada booliiska dalka Zambiya ayaa xabsiga dhigay labo nin oo u dhashay dalka Shiinaha ,kuwaa oo lagu helay in tababar sharci daro ah oo dhinaca amaanka la xariira ka bixinayeen gudaha dalkaasi.

Ragan Shiinaha u dhashay ee la xiray ayaa loo heestaa inay tabbabar sharci darro ah ay u siinayeen xubno ka tirsan shirkad dhinaca amaanka qaabilsan , waxaa sidoo kale la xiray masuuliyiin iyo xubno kale oo katirsan shirkadan amaanka qaabilsan.

Taliyaha ciidanka booliska gobolka koonfureed ee dalka Zambia oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada xireen labo nin oo Shiinaha u dhashay iyo 11-qof kale oo Zambia u dhashay uu ku jiro Agaasimaha Shirkad dhinaca amaanka qaabilsan.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale howlgalkan waxa ay kusoo qabteen hub isugu jira biskoolado iyo quryo kala duwan, waxaana socda baaritaano booliiska kuwadaan shirkadan amaanka qaabilsan iyo labada nin ee u dhashay dalka Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada India oo amar cusub ku soo rogtay ardayda Muslimiinta iyo carro ka dhalatay

Caydiid Ali

Maraykanka oo soo riday dayuurad ay leeyihiin Milateriga dalka Iiraan

Caydiid Ali

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ilaaladiisa oo Howlgal lagu dilay

Caydiid Ali