Nicholas Haysom oo manta si rasmi ah ula wareegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay usoo magacawday Soomaaliya Mr Nicholas Haysom ayaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegayy, waxa uuna bedelay Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa 12-kii bishii hore usoo magacaabay Nicholas Haysom in uu noqdo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana Danjirahan horey usoo noqday Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalalka Sudan,Koonfurta Sudan iyo Afganistan.

Nicholas Haysom ayaa ah diblumaasi u dhashay dalka Koonfur Afrika, waxaana ninkan shaqooyin kala duwan kasoo qabtay dalka Koonfur Afrika iyo sidoo kale Hay’ada Qaramada Midoobay uu hada katirsan yahay.

Ergaygan cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in uu dar dar galiyo Howlaha Qaramada Midoobay ka heyso Soomaaliya, waxaana la filayaa Ergagygan in uu booqasho ku tago guud ahana gobolada dalka.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -