Dowlada oo diyaarineysa Ciidamo Booliis oo sida milatariga u tababaran iyo Sababta keentay

Wasaarada gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa diyaarineysa ciidamo booliiska oo sida milatariga u tababaran, kuwaa oo loo qorsheeyay in ay ka howlgayaan xarumaha ciidamada milatariga.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in lasoo gabo gabeeyay qorshe lagu hirgalinayo ciidamo booliis ah oo u tababaran una shaqeeya sida milatirag Soomaaliya.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidamo booliis oo sida milatariga u tababaran laga hirgaliyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyo wasaarada gaashaandhiga , waxa uuna xusay in hada la kordhinayo xaruymaha ay ciidankan ka howlgalayaan.

“Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo ku xigeennadiisa ayaa ku howlan hirgelinta Ciidamada Booliis Militaare oo keliya haatan ka howlgala Madaxtooyada & Wasaaradda Gaashandhigga, Ciidankaan waxa aan ugu talagalnay in la dejiyo goobaha Militariga iyo AMISOM ay qabsadaan si ay ugu sii dhaqaaqaan goobo cusub” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaana shaaciyay in la diyaariyay sharciyada loo marayo diyaarinta ciidankan iyo sidoo kale sharuucdii kale lagu hagi lahaa ciidankan booliiska ee sida milatariga u tababaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -