Allbanaadir.com
NEWS

Duqeymo culus oo saakay lagu garaacay kooxda Al Shabaab iyo Wararkii u Dambeeyay

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in saakay diyaarado dagaal oo caawinaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka duqeymo culus ku garaaceen deegaanka Shabeelow ,gaar ahaan dhulka howdka ah ay ku jiraan Al Shabaab.

Diyaaradaha ayaa la sheegay in gantaalo culus ku garaaceen aaga lagu tuhmayo in ay joogaan dagaalyahannada Al Shabaab , waxaana aaga la duqeeyay shalay dagaalo culus ku dhax mareen ciidanka deegaanka iyo kuwa Al Shabaab.

Duqeynta Al Shabaab lagula beegsaday dhulka howdka ee deegaanka Shabeelow ayaa wararku sheegayaan in khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay, walina dowladda ma cadeyn inta khasaaraha uu la egyahay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradaha duqeynta fulinaya si khalad u beegsadeen ciidamo katirsan kuwa deegaanka oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobaha lagu beegsanayay Al Shabaab.

Howdka deegaanka Shabeelow waxaa shalay ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeyay kooxda Al Shabaab iyo ciidamada deegaanka oo gacan ka helayay kuwa dowladda, waxaana dagaalka ku dhintay saraakiil iyo masuuliyiin Galmudug katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo Xil u magacawday Abwaan Soomaaliya Caan ka ah

Cabdi Cade

Labo Dowladood oo 30 Milyan Dollar ku bixiyay Dib u howlgelinta Garoonka Kabul

Cabdi Cade

Webiga Shabelle oo fatahaad ka bilaabay Sh/dhexe & Cali Guudlaawe oo kormeeray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---