Labo Dowladood oo 30 Milyan Dollar ku bixiyay Dib u howlgelinta Garoonka Kabul

Garoonka Kabul ayaa la filayaa in dib loo furi doono Labada maalmood ee soo socota, kadib, markii ay Dowladaha Turkiga iyo Qatar bixiyaan Taageero Maaliyadeed.

Afhayeen u hadlay Daalibaan oo lagu magacaabo Sher Maxamed Cabaas Stanikzai oo la hadlay Telefishinka TOLO News ayaa sheegay in 30 million oo Dollar oo ka timid Dowladaha Turkiga iyo Qatar loo adeegsan doono Hawlgalladd Dib loogu furu doona Garoonka Kabul ee Labada maalin ee soo socota.

Dhinaca kale, Diyaarad ay la socdeen Qeybtii 2-aad ee Khubaro Farsamo oo u dhashay dalka Qatar ayaa  ka degtay Garoonka Diyaaradaha ee Kabul, kuwaasi oo gacan ka geysan doona Hawlgallada Dib-u-furista Garoonka Kabul.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dib loo soo celiyo Ammaanka Garoonka Kabul, ka hor inta aan Duullimaadyada Ganacsiga dib loo bilaabin.

Waxa uu intaasi ku daray inay muhiim tahay ballan-qaadka Ammaanka Gudaha iyo Dibedda ee Garoonka Kabul.

Wasiir Mevlut Cavusoglu oo  Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Ankara waxa uu tilmaamay inay Daalibaan ka codsadeen Turkiga iyo dalal kale inay Taageero Farsamo ka geystaan Garoonka Kabul si dib loogu bilaabo Hawlgallada.

 

- Advertisement -