Webiga Shabelle oo fatahaad ka bilaabay Sh/dhexe & Cali Guudlaawe oo kormeeray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guudlaawe oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Qaar ka mid ah Wasiiradiisa ayaa ugu  horeyn kormeer u kuur galid ah ku tagay qeybo ka mid ah goobaha uu ku fatahay Wabiga, isagoo ku baaqay inay soo dhoweynayaan cid walba oo gacan ka geysan karta xeritaanka goobaha uu ka fatahay wabiga Shabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhanka kale baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Magaalada Beledweyne isagoo ku baaqay inay nabada qaataan.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay howlihii shaqo ee uu u joogay Magaalada Muqdisho iyo dadaaladii nabadeed ee la gaaray. wuxuuna xusay iney dedaal u galeen xalinta xiisadii siyaasadeed ee ka dhalatay doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -