Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rag miino aasayey oo lagu dilay degaan ka tirsan gobolka Mudug

Ciidamada macawisley ee ku sugan degmada Xarardheere ayaa degaan dhowr iyo toban KM galbeed ka xiga degmadaas ku fashiliyey qaraxyo lagu aasayey wado halkaas marta sida ay baahisay warbaahinta DF.

Xooggaga howlgalkan fuliyey oo roondo ku jiray ayaa ka dul-dhacay rag ku howlanaa miino-aasid, waxayna ku dhufteen gantaal garabka laga riday.

Wararka ayaa sheegaya in labo xubnood oo miino aasayey ay goobtaas ku dhinteen ka dib gantaalkaas lala helay oo sidoo kale sababay iney la qaraxdo miinadii ay aasayeen.

“Sidoo kale koox ilaalo u aheyd raggan ayaa laga dhaawacey ilaa sedax dhagarqabe, kuwaasoo markii dambe goobta ka baxsadey, ciidamaduna waxa ay ku guuleysteen in ay dhowr miino oo kale kasoo saaraan waddadaas shacabka si weyn ay u adeegsadaan” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta DF.

Related posts

Israel oo ugu baaqday muwaadiniintooda ku sugan labo Dal oo Carbeed in ay kasoo baxaan

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Hirshabelle

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar oo sii xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---