Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo Guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Hirshabelle

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada ee dowladda Hirshabeelle.

Ugu horreyn waxaa xilalka loo dhaariyay Wasiirrada Wasaarradaha Qorsheynta, Caafimaadka iyo Batroolka ee Dowladda Hirshabeelle, oo dhawaan xilalkaasi loo magacaabay.

Shirka Golaha Wasiirrada ee Dowladda Hirshabeelle oo diirada lagu saaray u diyaar-garoowga shirka sannad-laha ee Golaha Wasiirrada.

Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose oo laga dhageystay warbixin ku aadan degmooyinka xiga ee laga hirgelinayo doorrashada Golaha Deegaanka.

Madaxtooyadda Hirshabeelle ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagtay hannaanka loo wajahayo shir-sannadeedka Golaha Wasiirrada kaas oo lagu gorfeyn doonno muddadii sannadka sida ay shaqadda aheyd.

“Si aan u guulleysano waa inaan wadajir xil isaga saarnaa shaqadda, dhammaan Golaha Wasiirrada waa inay ogaadaan halka laga qiimeyn doono inay tahay shirka sannad-laha ee soo socda.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Hirshabelle.

Ugu dambeyn madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa faray Wasiirrada inay dardargeliyaan shaqadda, waxa uuna caddeeyay in wasiir walbo lagula xisaabtami doono shaqada uu hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo soo bandhigtay Diyaarad cabsi badan ku beertay Reer Galbeedka

Cabdi Cade

Boqolaal qof oo ku dhintay dayuurad ku burburtay Magaalada Algiers (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qaar ka mid ah Shirkadaha waaweyn ee caalamka oo xanibaad saaray Ruushka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---