Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar oo sii xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya (Daawo Sawirada)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan laba dhinacle ah kula yeeshay Magaalada Doha Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar Mudane Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Wasiir Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar  ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo habkii looga horrumarin lahaa dhinac waliba, waxa ay sidoo kale isla faaqideen arrimaha gobolka iyo dunida.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in lasii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada wadan, waxa ay sidoo kale kawada hadleyn labada masuul arimo badan oon saxaafada loo soo bandhigin.

Dowlada Qadar ayaa xiriir dhaw la leh Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya, waxa ayna Qadar  Soomaaliya u balan qaaday fulinta mashaariicyo kala duwan ay kamid yihiin dhismooyinka wadooyin, goobo waxbarasho iyo mashaariicyo kale oo waa weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -