Allbanaadir.com
NEWS

Xubno kasoo goostay Shabaabka ka dagaallamaya gobolka Mudug oo lasoo banhigay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ,gaar ahaan guutada Gor Gor ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa soo bandhigay labo xubnood oo kasoo goostay kooxda Al Shabaab   .

Labadan dagaalyahan ee kasoo goostay Al Shabaab oon kasoo jeedin Galmudug ayaa sheegay in ay isaga soo baxeen kooxdii ay katirsanaayeen, kaddib markii ay sheegeen in dhibaato badan la kulmeen.

Xasan Xusseen Cali Magaca Afgarashadiisu ahaa (Maxamed Deeq) iyo Deerow Macalin ibraahim Magaciisa Afgarashada (idris) ayaa sheegay in muddo ah katirsanaayeen Al Shabaab, waxa ayna xuseen in ay kaga soo biireen gobolada Jubbooyinka.

Dagaallamayaasha Al Shabaab ee ku sugan gobolka Mudug ayaa xilligan wajahaya xaalado adag, waxa ayna kooxda la kulmeen duqeymo culus iyo weeraro joogto ah, waxaana lagala wareegay deegaanno dhowr ah oo gacantooda ku jirtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ugu baaqday dagaallamayaasha Al Shabaab in ay isaga soo baxaan kooxdaasi, waxa ayna dowladda fursado dhaqan-celin ah usoo bandhigtay xubnaha katirsan kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo dib ula wareegtay Deegaanno jab xooggan horey loogu gaarsiiyay

Cabdi Cade

Golaha ammaanka ee QM oo maanta soo afjaraya loolanka adag ee Jabuuti & Kenya

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Nigeria oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Hargeysa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali