Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Muuse Biixi oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Berbera (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Berbera, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey shacabka iyo qeybaha bulshada.

Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa sida Somaliland, sida Wasiirada Gaashaandhigga, Horumarinta Beeraha, iyo xubno kale.

Isagoo la hadlayey saxaafada ayuu Muuse Biixi sheegay in socdaalkiisa uu jawaab u yahay cabasho & eedeyn uga timid waxgaradka gobolka Togdheer.

Biixi iyo wafdigiisa ayaa saacadaha soo socda Berbera uga sii gudbaya Magaalada Burco, halkaasoo la filayo inuu uga qeyb galo munaasabad xariga looga jarayo saldhig Cusub oo halkaas laga hirgeliyay.

Amniga Magaalooyinka Berbera iyo Burco ayaa aad loo xoojiyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha uu booqanayo madaxweyne Biixi.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somtel oo bixisay Hadiyaddo Qalai ah ay ku jiraan Bajaaj iyo Dahab (Sawirro)

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo dagaal culus looga saaray degaanka Qodqod & goobo kale oo ka tirsan..

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur: “Ujeedka Farmaajo ee wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---