Allbanaadir.com
NEWS

Shir u dhaxeeya Aadan Madoobe iyo Siyaasiyiinta diidan Laftagareen oo ka socda Villa Hargeysa

Qaar kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda madaxweynaha muddo xileedkiisi dhammaaday ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa goordhaw shir u furmay.

Shirkan oo ah mid albaabada u xiran yihiin ayaa ka socda xarunta Villa Hargeysa, waxaana shirkan looga hadlayaa sida aan xogaha ku helnay xaalada siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii doorasho loo qaban lahaa.

Siyaasiyiinta mucaaradka ay horboodayaan guddoomiyaashii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Mursal, Jawaari iyo Shariif Xasan ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kala hadlaya sidii looga dhabeyn lahaa heshiiskii horey Baydhabo loogu gaaray.

Mucaaradka kasoo horjeeda Laftagareen ayaa diidan in muddo dheeraad ah mar kale sii jooho , waxa ayna ku adkeesanayaan in aysan marnaba oggolaan doonin in muddo kale madaxweyne Laftagaree kursiga sii fadhiyo.

Shir sannadkii hore ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa lagu go’aamiyay in muddo sannad ah loogu darro maamulka madaxweyne Laftagareen, waxaana sannadkaasi hadda ka harsan labo bilood oo kaliya, mana muuqato qaban qaabo doorasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyna Farmaajo oo Roma kula kulmay dhigiisa dalka Talyaaniga (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Halkan ka Akhriso Magacyada Dagaalyahandii Al Shabaab ee weeraray Garoonka Bali-Doogle

Cabdi Cade

Labo ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada oo Muqdisho laga sugayo maanta

Caydiid Ali