Qaraxyo iyo rasaas saaka mar kale laga maqlayo hotelka Maka Al Mukarama

Iyadoo xalay dabley ka tirsan Al-Shabaab ay ku hoydeen hotel Maka Al-Mukarama iyo maqaayada Hilaac UK ayaa waxaa goor dhow abaare 6:00 aroornimo laga maqlay rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn.

Rasaasta ayey wararku sheegayaan iney isweydaarsanayaan ciidamada amaanka oo isku dayaya iney soo afjaraab weerarka iyo ragga hubeysan ee gudaha ku jira, waxaana la maqlay labo qarax oo kale.

Xaalada nawaaxiga hotelka Maka Al Mukarama ayaa illaa xalay cakiran, waxaana laga maqlayey rasaas goos goos ah oo mararka qaarkood aad u xoogeysaneysay.

Wadada laamiga ah ee hormarta hotelka ayaa waxaa weli daadsan gaadiid fara badan oo ku gubtay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee hotelka ka dhacay xalay kaasoo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey.

Sidoo meydad fara badan iyo dhaawac loo dhowaan waayey ayaa daadsan nawaaxiga hotelka iyo gudihiisaba, maadaama rag hubeysan ay hotelka ku jireen rasaasna ay halkaas ka dhaceysay.

Inkastoo dhaawacyo afartan gaaraya iyo meydad dhowr ah xalay la geeyey goobaha caafimaadka ayaa haddana weli aan la ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, waxaana baraha bulshada ka socda olole dadka dhaawaca ah loogu raadinayo dhiig lagu shubo si loo badbaadiyo.

Madaxda dowlada federaalka iyo laamaha amaanka ayaan weli ka hadlin weerarkan, wixii warar ah ee ka soo kordhana kala soco wararkeena ugu horeeya insha allaah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -