Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Faahfaahino ka soo baxaya Haweeney lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaasi kooxo hubeysan ay ku dileen Haweenay.

Dilka haweeneyda ayaa la sheegay inĀ  loo adeegsaday Toorey, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in haweenayda iyo kooxda dilka geysatay uu muran dhexmaray, isla markaana ka dibna haweenayda la dilay.

Saraakiisha amaanka gobolka Mudug ayaan weli ka hadlin dilka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalkaasi.

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay ka mid tahay mid meelaha inta badan dilalka ay ka dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamsa oo Isbitaalo booqday kuna hanjabay Isla xisaabtan (Sawirro)

Cabdi Cade

Dabley hubeysan oo goor dhow dil ka geystay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Villa Soomaaliya oo diyaarisay 10 qorshe ay ku jiraan Dilal, hub ka dhigis iyo ceebeyn (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---