Somalia oo labo dalab oo muhiim ah hordhigtay shirka Golaha guud ee Q/Midoobay

Wasiirka Arrimaha dibeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey isagoo ku baaqay in la sii wado howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya.

Cawad ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay yihiin geesiyeyaal Naftooda u huray Soomaaliya, Qaramada Midoobey uu ka dalbaday in la sii xoojiyo taageerada la siiyo si ay u sii waddaan nabadeynta Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dhismaha Ciidan Qaran oo ay yeelato Soomaaliya inay qaadan doonto Waqti laakiin inta ka horreysa loo baahan yahay in la sii xoojiyo howlgalka Ciidamada AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ugu baaqay dalalka caalamka in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Cawad ayaa xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga taageero la dagaalanka Kooxaha argagixisadda ah oo dhibaato badan ku haya sida uu sheegay.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in guulo waaweyn ay gaartay dowladda Somalia sanadihii ugu dambeeyay ayna sii wadi doonto dedaalkeeda ku aadan dib u soo kabashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -