Allbanaadir.com
NEWS

Dabley hubeysan oo goor dhow dil ka geystay Magaalada Muqdisho

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhow Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada amaanka dowlada Somalia.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Maalin ayaa lagu toogtay qeybta khudaarta ee Suuqa Bakaaraha, wuxuuna ka mid ahaa Ciidamada Booliska ee ka howlgala saldhiga Hodan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in sarkaalkan uu markiiba ku qurbaxay goobta lagu dilay, ayna baxsadeen kooxihii ka dambeeyey dilkiisa.

Ciidamada booliska dowlada ayaa gaaray goobta lagu dilay sarkaalkan, waxayna halkaas ka qaadeen meydkiisa.

Dilalka ka dhacaya maalmahan ayaa u muuqda kuwo aan kala joogsi laheyn iyadoo maalmihii la soo dhaafay lagu dilay magaalada qiyaastii dad ka badan 15 ruux oo isugu jiray askar iyo dad kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Dowlada Shiinaha qarisay xaddiga faafitaanka cudurka Coronavirus ?

Cabdi Cade

Wariyaal Shaqadooda ku waaway Sawir Qaldan ay ka daabaceen Ra’isul Wasaare Abiy

Cabdi Cade

DF & Jubbaland oo ka shiray xal u helida dhibaato ay abuurtay dowladii Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---