Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamsa oo Isbitaalo booqday kuna hanjabay Isla xisaabtan (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixisadu ku qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxa uu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Medina.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto waddanka dibeddiisa – isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay dowladdu qaadeyso bukaanno kale oo istibaallada horey ugu jiray.

Waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtamayso – isla markaana ay qaadayso masuuliyadda wixii dhacay, oo lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u mahadceliyay ciidamada Soomaaliyeed ee naftooda u huray inay soo badbaadiyaan shacabka – oo uu sheegay inay yihiin mujaahidiin dhab ah.

Waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qoysaska dadkii ku shahiiday weerarkaasi – isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo – kuwa dhaawaca ahna Allaah u booga dhayo.

Related posts

Hooyo Soomaaliyeed oo Imtixaanka shahaadiga ku gashay Isbitaal ay ku umushay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Uhuru oo Cadaadis xoogan kala kulmaya Khilaafka kala dhaxeeya Dowlada Somalia

Cabdi Cade

Dilkii madaxwayne cabirashiid cali sharma’arke yaa ka dambeeyay? (Shirqoolkii Qorshaysnaa)

admin
Taboola Ads ---