Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dagaalo culus oo saaka ka qarxay duleedka Magaalada Belad-weyne ee G/hiiraan

Dagaal culus ayaa saaka waaberigii ka qarxay degaano ku yaalla hareeraha Magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan kuwaasoo dhexmaraya ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya nin dagaalka saaka uu bilowday ka dib markii ciidamada huwanta ay weerar qorsheysan ku qaadeen degaano ku yaalla duleedka Beladweyne oo ay fariisimo ku leeyihiin xoogaga Al-shabaab.

Dagaalka ugu kulul ayaa ka socda degaanka Beerxaano, iyo degaano ku dhow iyadoo ciidamada dowladu ay doonayaan iney gaaraan degaanka Booco oo Al-shababa ay ku leeyihiin saldhig weyn.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Balaweyne ayaa waxay sheegeen in la jaray Isgaarsiinta degaanada uu dagaalka ka dhacayo.

Abaanduulaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka ay wadaan uu socon doono inta xoogaga Al-Shabaab laga saarayo degaanada ay kaga sugan yihiin duleedka Magaalada Baladweyne.

Goobaha dagaaladu ka socdaan ayaa laga maqlayaa hub culus iyo rasaas xoogan oo la isweydaarsanayo, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalaadan oo si weyn looga dareemay magaalada B/weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xoogaga Xisbullah oo duqeeyay kolonyo ay wateen Ciidamada Yuhuuda & Warar kale

Caydiid Ali

Hooyo Gabar ay dhashay ku iibisay 420 dollar iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Hirshabelle oo go’aan cusub ka qaadatay heyado shaqada laga joojiyey dhowaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---