Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha Difaaca Dowladda Mareykanka

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar aan la shaacin ku tagay dalka Jabuuti, ayaa kulan gaar ah la qaatay Xoghaya Difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin.

Sida aan xogta ku helnay kulanka dalka Jabuuti ku dhax maray madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Difaaca dalka Mareykanka ayaa looga wada hadlay iskaashi labada dal ka yeeshaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah.

Xoghaya Difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin ayaa boggaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxa uuna dowladda Soomaaliya u ballan-qaaday in ay ka caawinayaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Mareykanka ayaa si weyn uga taageerta ciidanka Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa ayna Mareykanka duqeymo dhinaca cirka ah ku taageeraan ciidanka Soomaaliya, duqeymaha ayaana lagu dilay madax iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkii ugu horeeyay dalka uga baxay, tan iyo markii uu ku dhawaaqay howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab uuna saldhig ka dhigtay magaalada Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afgembi fashilmay oo ka dhacay dalka Sudan & dowlada oo war ka soo saartay

Caydiid Ali

Dowladda oo Bangiga Adduunka kala hadashay arrimo badan oo Soomaaliya dan u ah

Cabdi Cade

Fashil ku yimid Wadahadalkii u dhexeeyey Mamulka Somaliland & Mucaaradka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---