Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Masjid Cali Gaduud iyo cidda gacanta ku heysa

Dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa shalay deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo deegaano kale oo kuyaalla Shabeelaha Dhaxe ku dhax maray ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka iyo Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka labada dhinac dhax maray xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo saldhig weyn u ahaa Al Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan socday.

Dagaalka ayaa waxaa guulo ka kala sheegtay ciidanka dowladda iyo kuwa Al Shabaab, waxa ayna labada dhinac midkastaahi sheegtay in ay dagaalka ku gacan sareeyeen ayna jab xooggan gaarsiiyeen dhinaca kale.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab wali isku hor fadhiyaan deegaanka Masaajid Cali Gaduud, waxaana wararka tilmaamayaan in deegaanka aysan jirin cid gacanta ku heysa balse labada dhinac bannaanka ka joogaan.

Dadkii kunoolaa deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa inta badan isaga qaxay deegaankaasi, waxaana jirta cabsi laga qabo in mar kale deegaankaasi dagaal xooggan ku dhax maro ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa ayna ku hanjabeen in si buuxda kooxdaasi uga saari doonaan guud ahaan deegaanada gobolka Shabeelaha Dhaxe.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -