Madixii Ololaha Donald Trump ee Xilligii doorashada oo dacwad yaab leh lagu soo oogay

Fannaanad u dhalatay dalka Mareykanka ayaa gudbisay dacwad la xiriirto xadgudub galmo oo ka dhan ah ninkii maamulaha ka ahaa ololihii Donald Trump ee xilligii doorashada, Corey Lewandowski.

Joy Villa waxay sheegtay in Lewandowski uu dhowr jeer ka dharbaaxay gadaal xilli ay ku sugnayd munaasabad ka dheceysay Washington, isbuucii la soo dhaafay.

Waxay warbaahinta Mareykanka u sheegtay in ay la hadashay booliska ka dib markii saaxiibadeeda ay ku qalqaaliyeen in ay dacwad rasmi ah gudbiso.

Lewandowski wuxuu diiday dalabka warbaahinta ee ah in uu ka jawaabo eedaha loo jeediyay.

Ms Villa oo aad u taageerto Donald Trump, waxay ku sugnayd munaasabad ka dheceysay hoteelka caalamiga ah ee Trump. Waxay u istaagtay in ay sawir la gasho Lewandowski, kaas oo ay ku tilmaamtay qof aysan horay u arkin.

Waxay sheegtay in uu gadaal ka dharbaaxay, “markii aan weydiiyay in uu iga daayo ama aan dacweynayo, mar labaad ayuu i dharbaaxay”, ayey sheegtay.

Eedeymaha noocan ah ee la xiriira faraxumaynta iyo xadgudubyada ayaa dhowaanahan isa soo tarayay, kuwaas oo ka dhan ah dadka caanka ah, siyaasiyiinta iyo shirkadaha Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -