Yuusuf Garaad oo War kasoo saaray Guddiga uu Madaxweyne Qoor Qoor ku daray

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shalay magacaabay guddiga qaban qaabada caleemo saarkiisa, waxaana guddiga Gudoomiye looga dhigay Yuusuf Garaad Cumar.

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu aqbalay in guddiga qaban qaabada caleemo saarka uu hogaamiyo waxa uuna u mahad celiyay Madaxweyne Qoor Qoor.

Halakn ka Akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay Yuusuf Garaad

Aniga oo xeerinaya baahida ay Soomaaliya u qabto in ay siyaasaddu xasisho, oo fursad kasta oo suurta gal ah looga faa’iideysto in siyaasiyiinta dhexdooda iyo shacabka iyo siyaasiyiintuba ay is fahmaan isuna soo dhowaadaan, isla markaana tixgelinaya soo jeedinta Madaxweynaha Galmudug oo inkasta oo aan mar ka wada tirsaneyn Xukuumadda aynaan mar kasta isku ra’yi ahayn, ogna in uu og yahay in aan taageeray murashax kale, waxaan aqblay howsha uu ii xilsaaray oo ah qabanqaabada munaasabadda caleema saarka taas oo aan u arko howl Qaran oo aan u qabanayo dalkeyga.

Madaxweynaha Galmudug waan uga mahadcelinayaa in uu iskii u gartay in aan adeeggaas muhiimka ah u qabto GalMudug.

Waxaan u arkaa qaddarin gaar ah in aan Guddoomiye ku Xigeenka iyo xubnaha kale ee sharafta badan kala shaqeeyo Caleemo saar dadweynaha Soomaaliyeed ee Galmudug rajo geliya, billow rasmi ahna u noqdo dib u heshiin uu ifafaalaheedu muuqdo.

Talooyin aan arkay iyo saxiibbada qaar ila soo xiriirayba, waxaan leeyahay adinka oo aad ugu mahadsan qaddarinta aad ii heysaan, ogaada anigu Xil kama qaban Galmudug.

Ma ihi mana rabo in aan noqdo nin iskala weyn in uu dadkiisa iyo dalkiisa u adeego.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -