Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi caan ah oo baaq kasoo saaray dagaalka Xawaadle kula jirto Al Shabaab

Ciidamada macauusleyda beesha Xawaadle, ayaa dagaal adag kula jira kooxda Al Shabaab ee dib ula wareegtay deegaanno iyo degmooyin katirsan Shabeelaha Dhaxe, kuwaa oo mar kale isku dayaya in ay dib u qabsadaan degmooyin iyo deegaanno katirsan gobolka Hiiraan oo horey looga saaray.

Saddexdii maalin ee lasoo dhaafay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka macawuusleyda beesha Xawaadle iyo Al Shabaab ayaa ka socday inta u dhaxeeya degmooyinka Maqokoro iyo Aadan Yabaal oo kuyaalla xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed isha ku hayaan sida dowladda Soomaaliyeed ugu gurmato ciidanka macawuusleda beesha Xawaadle uu sheegay in geesinnimo muujiyeen dagaal adagna kula jiraan argagaxisada.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in dagaalka ay ku jiraan beesha Xawaadle in uu yahay mid jiritaan ah, waxa uuna xusay in kooxda Al Shabaab ay doonayaan in ay jabiyaan adkeysiga dagaal ee beesha, si ay uga aargutaan jabkii horey beesha Xawaadle u gaarsiisay Al Shabaab.

”Waa dagaal jiritaan, argagexisadu waxay doonayaan in ay jebiyaan adkaysiga iyo ruuxda dagaal ee beesha, iyagoo kaga aargudanaya in horay uu jebiyeen haybadda iyo burjiga dagaal ee argagexisada. Dowladdu waa in ay gurmad ciidan, oo degdeg ah, saad iyo saanad la garab istaagtaa dagaalka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uuna hadalkiisa intaasi kusii daray” Waxaan boggaadinayaa isku tashiga degaanka, waxaana ku dhiirragelinayaa in ay abaabulka laban-laabaan, akoonno taakulo furtaan, si ay shacabka Soomaaliyeed uga qaybqaataan.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa ugu baaqay beelaha dariska la ah Xawaadle in ay dagaalka ku garabsiiyaan walaalahooha , si looga hortagao kooxaha arbagaxisada ah ee doonaya in mar kale dib ugu soo laabtaan gobolka Hiiraan qeybo badan oo kamid ah oo horey looga saaray.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska ciidamada Booliiska Baladweyne oo Amaro cusub soo rogay (Akhriso Wareegto)

Cabdi Cade

Boqorka Charles III ee UK oo la caleemo saaray iyo dad badan oo la xirxiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaalyahan kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay kana hadlay sababta uu …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---