Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Bangiga Adduunka kala hadashay arrimo badan oo Soomaaliya dan u ah

Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ka taageera mashaariicda horumarinta iyo taageerada kabka Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa ugu horeyn qaabilay wakiilka dalalka geeska Afrika ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Nnenna Nwabufo, waxa ay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee uu bangigu ku taageero Dowladda Soomaaliya iyo fursadaha suuragalka ah ee maalgalineed, Bangiga Horumarinta Afrika waxa uu wadaa qorshayaal maalgalineed oo aad muhiim ugu ah Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiir Biixi ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr Keith Hansen. Wadahadalka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta taageerada Bangiga ee Soomaaliya iyo dib-u-haabeynta kaabayaasha dhaqaalaha, maadaama Bangiga Adduunka uu door muuqdo ku leeyahay taageerada hey’adaha Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Wakiilka Bangiga Adduunka iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa ka wadahadalay sidii uu Bangiga Adduunka uga qeyb qaadan lahaa maalgalinta Mashaariicda Horumarineed ee dalka, kadib marka ay Soomaaliya gaarto deyn-cafis dhammeystiran.

Wasiirka Maaliyadda Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo miro-dhal ah la qaatay xubno ka socday Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Safaaradda UK e Muqdisho. Dhammaan wadahadalada uu la yeeshay wasiirku waxa ay ku saleysnaayeen dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada Midowga Yurub ee kabka Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaardda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii looga maro-dhalin lahaa hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel aad wanaagsan maraya, iyadoona la filayo in dhawaan la soo gaba-gabeeyo barnaamijka Dey-Cafinta Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wax badan ka Ogow Rajada Xasan Cali Kheyre ka qabo in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo maanta furay kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka Hirshabelle (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaanno kasoo jeeda Beesha Murusade oo u tagay ciidanka furumaha jooga (Sawirro)

Cabdi Cade