Fashil ku yimid Wadahadalkii u dhexeeyey Mamulka Somaliland & Mucaaradka

Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani iyo UCID ayaa maanta sheegay inay burbureen wada-hadalii ay la lahaayeen xukuumadda.

Mas’uuliyiinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa iyaguna ka hadlay hadalka kasoo baxay xibsiyada mucaaradka.

Wadahadalladan ayaa ku saabsanaa sidii is af-garad looga gaari lahaa muran la xiriira doorashooyinka soo socda.

Shir jaraaid oo ay magaalada Hargeysa ku qabteen labada xisbi Mucaarad ee UCID iyo Wadani Feysal Cali Waraabe iyo Xirsi Xaaji Cali Xassan.

Wadahadalada ayaa waxaa garwadeen kla ahaa Gudoomyeyaasha labada gole ee guurtida iyo wakiilada Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu ka hor yimid dhexdhexaadintii ay wadeen Gudoomyeyaasha labada gole ee guurtida iyo wakiilada Somaliland sidaas awgeedna ay ka tashan doonaan axsaabta mucaaradku talaabada xigta ee ay qaadi lahaayeen.

- Advertisement -