Dibed-bax looga soo horjeedo Maamulka G/Banaadir oo Muqdisho ka socda (Daawo Sawirro)

Waxaa maalintii labaad xiran suuqa kalluunka Kulmis ee degmada C/casiis, iyadoo ganacsatada kalluunka iyo xoogsatada kalluumeysiga ay si weyn uga cabanayaan dhibaato lagu hayo.

Ganacsatada Kalluunka ku iibiya Kawaanka Liido ee degmada Cabdicasiis ee Gobalka Banaadir ayaa wada bannaanbax, iyadoo xiray wadooyinka qaarkood, waxayna socod ku tageen taallada Daljirka Dahsoon, iyagoo u dhawaaqayey in dhulkii la iibsaday, ayna shaqeyn la’ yihiin.

Dibad-baxayaasha ayaa socodkooda ka soo bilaabay Xeebta Liido, waxaynaa ayna ugu dambeyn isugu yimaadeen Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, iyagoo ku eedeeyay dowladda iyo maamulka G/Banaadir inay kumanaan qof u diidan yihiin shaqadoodii.

Ciidamada ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa ku amray ganacsatada inay ka guuraan suuqaasi oo la sheegay in dhulka uu ku fadhiyo laga iibiyey haweeney ganacsato ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -