Allbanaadir.com
NEWS

Xamse: “Sababta mar kasta qaraxyada loola beegsado Baladweyne waxay tahay..”

WAR-SAXAADAFEED

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay shacabka Soomaaliyeed ee sida naxariis darrada ah Khawaarijtu ugu laysay magaalada Beledweyne maanta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Qaraxa Beledweyne ka dhacay fal argagixiso oo fuleynimo ah oo Khawaarijtu ku baabi’inayaan shacabka, markii looga soo adkaaday furimaha dagaalka, isagoo intaa raaciyay in sababta ay u bartilmaameedsanayaan magaalada Beledweyne ay tahay inay ku suntantahay dabargooynta Khawaarijta.

Mudane Xamsa ayaa sheegay inay tirsan yihiin maalmaha u haray Khawaarijta oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wadajira ay ka guuleysan doonaan cadawga u diiddan nabadda iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Allaah (SWT) uga baryay inta ku shahiidday qaraxa Beledweyne inuu jannadii Fardowso ka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah siiyo.

-DHAMMAAD-

Related posts

Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo la isku keenay iyo Kulan hada uga socda Jabuuti

Cabdi Cade

Xagee ku sugan yahay Madaxweyne Deni oo 40 cisho ka maqan Puntland?

Caydiid Ali

Xiisad ciidan oo ka taagan jidka u baxa garoonka dayuuradaha Boosaaso & ciidanka PSF oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---