Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo la isku keenay iyo Kulan hada uga socda Jabuuti

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka shaqeeyay in ay isku keenaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo khilaaf xoogan u dhaxeeyo.

Magaalada Jabuuti waxaa hada ka socda kulan afar geesood ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Kulankan ayaana ah mid lagu dhax djhaxaadinayo Madaxda Wadamada Soomaaliya iyo Kenya oo khilaafkooda meel xun gaaray, waxaana la filayaa in kulankan la isugu soo dhaweeyo labada Madaxweyne.

Kulankan ayaa waxaa ka horeeyay kulamo gaar gaar ah oo Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya la yeesheen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya kahor inta aan labada Madaxweyne la isku keenin.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kulankan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -