Midowga Afrika oo diiday dalab xasaasi ah oo ka yimid dowlada Somalia

Qaar ka mid ah dalalka Midowga Afrika ee ay ciidamadu ka joogaan Somalia ayaa sheefay ineysan ku qanacsanayn qaabka ay dowladda Soomaaliya u maareysay codsigeedii ahaa in la hakiyo hannaanka bixitaanka ciidamada ATMIS.

La taliyaha amniga Qaranka ee Dowladda Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ee QM u diray codsi ku aadan in saddex bilood dib loo dhigo wajiga labaad ee bixitaanka ciidanka ATMIS oo bilaabanaya dabaqayaada bishan Sept.

Mas’uul ka tirsan Midowga Afrika oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hareer martay hay’addii ku habooneyd ee arrintan  ay kala xaajoon laheyd oo ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika

Waxaa uu xusay in taas bedelkeed codsiga loo diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo uu tilmaamay iney aheyd mid hareer marsan nidaamka.

“DF ma aheyn nidaam ahaan in warqadan ay geyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay aheyd in lala socodsiiyo hay’adda loo igmaday oo ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, sababtoo ah iyaga ayaa ah kuwa ay ka yimaadeen ciidamada ATMIS-ka,” ayuu yiri Sarkaalka.

Mas’uulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa carrabka ku adkeeyay in codsigan oo kale ay aheyd in uu soo gudbiyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ama mas’uul ka sareeyo, kadibna safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ay fududeyn karto gudbinta codsigan oo loo maro hab diblomaasiyadeed oo sax ah.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inaysan ku soo gudbin codsiga waqtigii loogu talagalay, isagoo sheegay in dhowr toddobaad ay ka harsan tahay xilliga la dhimi doono 3000 askari, iyadoo aan lagala tashan, lagalana shaqeyn dhinacyada ay khuseyso.

- Advertisement -