Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ookiyaale uu lahaa Fanaan hore oo lagu iibsaday lacag ku dhaw 200-kun oo Dollar

Ookiyaale uu lahaa fanaan hore oo lagu magacaabi jiray John Lennon  ayaa lagu iibsaday lacag gaareysa £137,500 oo u dhiganta $183,895, waxaana ookiyaalahan iibsaday qof hantiile ah oon la shaacin magaciisa .

Fanaanka ayaa la sheegay in uu ookiyaalahan gaari uu saarnaa qeybta dambe ku dhax hilmaamay sanadkii 1968-dii, waxaana ookiyaalaha helay ninkii darawalka ka ahaa gaariga looga dhax tegay.

Alan Herring oo ahaa darawalkii waday gaariga ookiyaalaha looga dhax tagay ayaa sheegay in uu helay ookiyaalaha oo jabay, waxa uuna sheegay in uu ku war galiyay fanaanka ookiyaalihiisa uu hayo balse ku war galiyay in aysan dhib laheyn una baahneyn.

Ookiyaalahan ayaa jimcihii lagu iibiyay suuq xaraash iyadoona aan laga sameyn meeshii uu ka jabnaa, waxa uuna sheegay ninka iska iibiyay ookiyaalaha in lama filaan ku noqotay lacagtan aadka u badan ee lagu iibsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sirdoonka Masar iyo Afwerki oo ku heshiiyay arrin ku saabsan Soomaaliya

Cabdi Cade

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabelle oo goordhaw la doortay

Cabdi Cade

Muwaadiniin u dhashay China oo lagu qafaashay weerar ka dhacay dalka Nigeria

Caydiid Ali
Taboola Ads ---