Abuukar Samow & koox la shaqeyneysay oo la soo taagay Maxkamada G/Banaadir (Daawo Sawirro)

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay sagaal eedeysane oo ka shaqeynayay waaxda Canshuuraha Dekadda Magalaada Muqdisho.

Kooxdan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay lunsadeen hanti Dowladeed gaar ahaan waaxda Canshuraha Dekadda Magaalada Muqdisho.

Raga Maxkamada ka soo muuqday ayaa waxaa ku jiray madaxiiĀ  hore ee waaxda Canshuuraha Dekadda Magalaada Muqdisho Abuukar Samow.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallin ayaaĀ  aqriyay Eedda loo haysto sagaalkaĀ  eedaysane, waxaana dacwada ka soo qeyb galay ku-xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo oogay Dacwadan, sidoo kale waxaa goob joog ahaa qareenada difaacaya eedaysanayaasha.

Waxaana dooda qaatay Qareennada difaacayay Eedeysanayaasha,kuwaasoo soo bandhigay waxyaabaha ay ku difaacayaan raga la soo eedeeyey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in arrintan ay Maxkamaddu ka soo saari doonto goā€™aan, sidoo kale waxaa dib laga soo sheegi doono dhageysiga dacwadan inta ka harsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -